Facebook

Responsive Advertisement

Samanka iyo Dadka || Maku badali karaa mise Badali kartaa ? Can the world change you, or can you change the world?












Hordhac ( introduction )

Asalaamu alaykum,  niiko, qoob ka ciyaar, wiil iyo gabar kala ajnabi ah oo isla ciyaaraaya, tumasho,muuqaalo aan galmo wax dhaamin, xishood la aan, dhaqan dooris nimo, raagii oo dhaqan dumar yeeshay, wixii ceebta ahaa oo caado noqday, damiirkii oo dhintay, fikir kii oo kusoo aruuray diyaarinta muqaal macsi ah iyo kumanaan waxaan aan sheegay ka daran waxaa ku arkaysaa baraha bulshada marka aad soo gasho. waana yartahay inta qof ee inta ay maskaxdooda iyo caqligooda adeegsadeen ka faaidaystay nimcada alle siiyay.

Maqaal keena maanta ayaan kaga hadli doonaa samanku waxa uu kaa badali karo iyo waxa aad ka badali kartid, hadii aad maqaaladaan oo kale aad ka heshid fadlan asxaabtaada lawadaag ama u gudbi.

Maqaalka (Article )

Markasta oo aad gasho bartaada  Facebook, Instagram, Snapchat, Tiktok, iyo IMO haaga, waxaad arkaysaa dhaqamo aad u fool xun, ayna samaynayaan dad kasoo jeedaa wadan lagu tiriyo 100% inuu muslim yahay. Waana wadankeena Somalia. Dhaqankaas oo uusan samayn qof muslim ah yacni aan ku banaanayn diinteena una wanaagsanayn dhaqan keena.

Ficiladaas aan wanaagsaneen ee aan sheegaayo aan kula qaado labo, midna waa  kan ay wiilasha sameeyaan, kan kalena waa kan gabdhuhu ay sameeyaan.

Wiilasha (Boys)

Waxaad arkaysaa wiil sida uu isleeyahay ama uu u dhaqmaayo aad ba u arkaysid gabar  yacni wiil nimadiiba waa iloobay. Sidoo kale hadalo aan wanaagsanayn oo dhalintii kale samayn ku yeelanaaya, Ha ahaato saamayn diimeed iyo mid dhaqameedba.

Gabdhaha (Girls)

Sidoo kale waxaa arkaysaa gabdho aad moodo inay jirkooda ka ganacsaayaan, oo wax u qarsoonba aysan jirin. Waxaa laga tagay asturnaantii, xishoodkii iyo dhaqankii suubanaa ee diinteena.

Markaan cabiro fikirkayga ku aadan arimahaas samaynta leh waxaan ku qiyaasay is badalka samanka inay raaceen dhalintu. Tusaale bari baa waxaa jiray in samanka uu qabsaday dadka sixirka u saaxiibka ah, markaas ayaa dadkii oo dhan ama badankood sixiroolayaal noqdeen, marna waxaa jirtay mar faalka lagu daatay ama lagu wada dhaqmay oo dadkii oodhan isku raaceen oo ku bateen, marna waxaa jirtay raadyi dhagaysi in dadkii u bateen marna shaleemo daawasho marna musalsal iyo ciyaaro marna ruwaayado iyo wax la yiraahdo pranks ama kadis. Markaas dhalinta hadba meesha uu samanku aado ayay isku raacayeen.

Hadaan tusaale u soo qaato sheekadaan samanka siduu qofka u saamayn karo. Waxaan ka dhagaystay ustaad waji baraamijkiisa boqol sheeko iyo sheeko.

Sheeko Tusaale ah ( Example story )

Bari baa waxaa jiri jiray boqor tooyo , xiligeedii ayaa waxaa dadkii qaribay niman isku sheegay inay yaqaanaan faalka, waxay isku direen dadka, daris ha ahaado ama qaraabo, ayagoo ukala sheegaaya in qofkaan uu wax ku sameeyay, tusaale waa uu ku sixray ama ku ilaystay oo kale.

Kadib dadkii markii nimankaan qaskooda iyo dhibkooda u dulqaadan waayeen waxa ay sameeyeen boqor kii ayay dacwad u gudbiyeen oo yiraahdeen.

Waxaa jira dad faalkii umada isugu diray oo deegaankii qalalaaso ka abuuray, ee baqorow waxaan rabnaa inaad naga qabatid, Dad iyo deegaanba ma dhaqno.

Kadib boqorkii waxa uu soo jeediyay wareegto la isugu wacaayo dhamaan wixii faal lalow ahaa, oo lagu leeyahay maalin hebel oo tariiqdu intaas tahay ha la isugu yimaado qasriga boqorka.

Madaama faalka uuba been iska yahay intii markaas dhuuman kartay waa dhuumatay oo maalintii meesha ma imaan, Waxaana meesha yimid nin iska yimid oo labo maal mood wax isaga cunay faalka iyo qaar la yaqaanay oo ciidamada xoog ku soo qabteen.

Kadib boqorka waxa uu soo jeediyay xukun ah in isbuuca soo socda lagu soo sheego waxa dhici doona sanadka soo socda hadii aad tihiin dad wax kasta og. Qofkii sheegi waaya waa la dilaa, qofkii dhuuntana qooskiisa ayaa la laynaa.

Kadib ninkii waaga ayaa ku baryay, keed ayuu iska hoos fariistay calaacalna waa bilaabay asagoo leh,

Maxaa I keenay meesha, faalba ma aqoone maxaa igu watay, sidee u baxsan doonaa, alla aniga ayaa iska dhintay. Waan iska tagaa waxna waan iska sheegaa qoortana ha la iga jaree. Halkaas ayuu quus taagnaa.

Intaas asagoo ku haya ayuu kor kiisa waxa uu ka maqlay hadal lagu leeyahay waryaa nin kow anaa ku furanaaya soo jeeso,markuu kor fiirshayna waaba mas la hadlaaya, kadib ayuu ku yiri war ina adeerow I furo. Maskii ayaa ku yiri sanadka soo socdo waa sanad abaareed ee boqorka u sheeg inay wax meel dhigtaan ay abaarta kaga baxaan.

Ninkii ayaa maskii ku yiri war amaa I hodaa oo baxar I galisaa. Maskii ayaa ku yiri orod ku hodi maayee.

Ninkii isbuuc maba sugin maalintii markii waaga baryay ayuu ku dhaqaaqay boqorkii asagoo leh, boqorow aniga ayaa sheegaaya waxa sanadka soo socda uu noqon doono,.

Boqorkii ayaa yiri oo isbuucii ma dhamaane sidee wax u jiraan.

Ninkii aniga waxaan sheego been ma noqdaan waan is hubaa oo waa waqti abaar sanadka soo socdaa sidaa daraadeed dadka dhigaal ama kayd ha samaystaan.

Markii isbuucii dhamaaday kuwii kalena waa yimaadeen oo wax yaabo kale ayay iska sheeg sheegeen.

Sanadkii markii la gaaray waaba sidii oo sanad abaareed ayuu noqday. Markaas ayaa ninkii shan halaad boqorku siiyay, kuwii kaloo beenta sheegayna la dilay  qudhana laga jaray.

Markaa kadib ninkii oo xoolihii wata ayaa waxa godkiisa kasoo hadlay maskii oo yiri waryaa ninkow masoo guulaysatay.

Ninkii ayaa yiri haa.

Maskii ayaa ku soo celiyay oo yiri xoolaha maa wax iga siisid hadaa soo guulaysatay. Markaas ayaa ninkii xanaaq intuu isla taagay ayuu ku yiri waryaa yaanan ku dilin ee orad iga tag oo ha ila hadlin.

Sanadkii kale markuu soo dhawaaday ayaa ninkii faala lowga ahaa loo wacay oo la yiri sanadkaan soo socda muxuu noqonaaya.

Ninkii ayaa boqorkii ku yiri boqorow maa iga daysid waataan kii hore sheegee. Boqorkii ayaa yiri hadaadan sheegin waa lagu dilaayaa. Ee isbuuc baa haysataa.

Ninkii talaa ku cadaatay oo yiri war maskii hadaa u tagtid sootaa xoolaha u diiday oo wajigii waa iska dishay maxaa samaysaa. Markaas ayuu inta keedkii hoos yimid yiri alle maxaan sameeyaa maskiina waan isku diray maantana wax aan sheego ma aqaan, ma iska tagaa oo wax ma iska sheegaa aanba iska dhintee.

Maskii ayaa maqlay oo soo baxay oo ku yiri war heedhee waxna kaama rabo oo amaal ma lihide, sanadka soo socda waa colaade orod boqorka u sheeg. Markaas ayuu ninkii maska ku yiri amaa iga aarsanaysaa waataan xoolaha kuu diidee. Maskii ayaa yiri war orod hadaan rabo ilmahaaga ayaan qaniini lahaaye.

Ninkii boqorkii ayuu u yimid oo yiri boqorow sanadka soo socda waa colaad ee hubkaaga diyaarso.

Sanadkiina sidii buu noqday ninkiina toban halaad ayaa markaan looga dhigay.

Sidii asagoo wadada marayaa ayuu yiri maskii yiri maa xoolaha wax iga siisid waa soo guulaysatee markaas ayuu ninkii maska waxa uu ku tuuray waran uu watay waana dili gaaray. Maskiina godkiisa ayuu isaga laabtay.

Sanadkii sadexaad ayuu boqorkii yiri ha loo Waco faala lowga ha sheegee sanadka soo socda waxa uu noqon doono.

Markaan talo waa ku cadaatay oo sheekada dil bay gaartay oo maska waaba kaga jari gaaray. Gurigiisa ayuu iska joogay oo yiri meel aad markaan aado malahan oo maska hadaa u tagtid waaba ku cunaa mana raali galin kartid maxaa samaysaa. Asagoo saas u fakaraaya ayaa maskii u yimid oo yiri sanadka soo socda waa barwaaqo ee wixii wax dhiganaaya ha iska dhigtaan wixii kalena waa barwaaqo uun.

Kadib ninkii ayaa yiri ma iga aarsan rabtaa oo in la I dilo ayaa rabtaa. Maskii ayaa yiri war waan ku cuni lahaa hadaan rabo dilkaaga.

Kadib ninkii boqorkii ayuu u sheegay  waana noqotay sidii uu sheegay oo barwaaqo ayaa dhacday 20 neef iyo dahabna waa la siiyay.

Markaan ninkii waxa uu qaylo soo bilaabay asagoon soo gaarin maskii waxa uuna dhahaayay. War masow soo bax hoo xoolaha wax ka qaado.

Maskii ayaa intuu soo baxay dhahay, orod xoolo kaama rabo oo dad nimo iyo amaal inaa gudo kuuma soo saaidin ee samanka iyo waqtiga ayaa ku badalay.

Dulucda sheekada ( Conclusion of story)

Markii hore abaar baa jirtay oo waxaa is dhahday xoolaha kaama badna.

Markii kale colaad baa jirtay sidaas ayaa igu dili gaartay

Maantana barwaaqo ayaa jirta oo xoolaha meel aa kala gayso mahaysid.

Sheekadan maxaan ka fahmaynaa?  waxaan ka fahmayna in waqtiga iyo xaalada markaas taagan aysan wanaagsanayn inay meeshay doonaan kuu kaxaystaan adna aa noqotid waxay soomalidu oran jirtay dameeri dhaan raacday. waxaa leedahay caqli aad wax ku kala garato , ku xisaabtan kaaga, kadibna sida wanaaga uu ku jiro samee. Aduunkana waxba kama badli kartid sida uu ku socdo kaliya adiga is badal qaybtaada aduunkuna waa is badalaysaa oo sidaa u rabto ayay kuu noqonayaa.

Dhalinta sigaara hadaan ola hadlo, mid kasta waxa uu leeyahay hibo, sida inaa ku wanaagsan tahay kicinta dadka, inaa ku wanaagsan tahay wax soo jeedinta iyo inaa ku wanaagsan tahay wax samaynta, sidaa darteed meesha aad ku fiicantahay inaa dadka iyo dalka wax ku tartu ugu dadaal maxaa yeelay meesha dal iyo dadba ka hormaraan waa dhalin yarada.

Mowdeecana maanta intaas ku egyahay aqriste hadaa nagu cusub tahay nagu soo biir oo soo dheego marwalba, asxaabtaadana lawadaag wa bilaahi towfiq.

Muuqaalka




Post a Comment

0 Comments